Xareeda laguma wacnaadoo Abaartana lama xumaadoo Aduun xumba maaha gudhayee Haduu kii xeel ku raacoo Xogtiisana ruux ku siiyoo Xussuusta lagama gooyee Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin
Aduun waa xeerba xeeroo Sidii weeye xabag cadaadoo Xilbay adhi jiri wadaagtaa Anagoo xidid iyo gunbaaroo Amase laamaha xubnaadoo Xumaan hay gelin waxyeelee Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin
Sidii faras xamar is xooday Amase geenyo xariir la taagay Xudu iyo shaal lagu hagoogay Haday xaragadu ku qaado Xidigaha xataa ayku geyso Wuxuun baa la xeeriyaayeey Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin
1 comment:
Xareeda laguma wacnaadoo Abaartana lama xumaadoo
Aduun xumba maaha gudhayee Haduu kii xeel ku raacoo
Xogtiisana ruux ku siiyoo Xussuusta lagama gooyee
Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin
Aduun waa xeerba xeeroo Sidii weeye xabag cadaadoo
Xilbay adhi jiri wadaagtaa Anagoo xidid iyo gunbaaroo
Amase laamaha xubnaadoo Xumaan hay gelin waxyeelee
Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin
Sidii faras xamar is xooday Amase geenyo xariir la taagay
Xudu iyo shaal lagu hagoogay Haday xaragadu ku qaado
Xidigaha xataa ayku geyso Wuxuun baa la xeeriyaayeey
Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin
Post a Comment